HOGGAAMINTII MAHATHIR

Author(s): Cabdinaasir Sahal

Taariikh Nololeed

“Iskaashiga aadamuhu uma baahna ilbaxnimo weyn oo keliya, balse waxa kale oo lagama maarmaan u ah hoggaamin wax ku ool ah”.


“Dhiganahan ‘Hoggaamintii Mahathir’ waa hage ay ku duugan yihiin nuxurka 21 cashar oo sahay wannaagsan u noqon kara qof walba oo damac hogaamineed iyo dan ummadeed ku jirto. Waa muraayad uu isku cabbiri karo hoggaamiye walba oo jecel in uu cashar ka qaato hoggaamintii mucjisada ahayd ee wakhti kooban Malaysiya ka soo qaaday qoobad hoosaysa kanna dhigtay qaran dal ahaan iyo dad ahaan la majeerto.”


Buug marka uu ugu wanaagsan yahay waxa weeye halka laga qiyaas qaato dhaqan kolba halka uu marayo (the quality of culture).


Dhiganahan waxa uu ka hadlayaa hoggaaminta siyaasaddii Tun Dr. Mahathir Maxamad, oo laba jeer ra’iisul wasaare ka noqday dalka Malaysiya (1981-2003 iyo 2018-2020), oo celcelis ahaan isku noqonaysa 25 sano, ama rubuc qarni.


Siyaasaddu (politics) waa in la isku wado dad kala dano duwan, iyadoo la raalli-galinayo dhinacyo kala feker iyo dano duwan. Halka hoggaamintu (leadership) tahay raalli-galinta hiraalka. Hoggaaminta siyaasaddu (political leadership) waxay noqonaysaa raalli-galinta danaha dad kala duwan iyadoon laga tanaasuleyn hiraalka (vision).

8.00 USD

Stock: 0


Add to Wishlist


Product Information

General Fields

  • : 9798350705287
  • : Kabriid Publishing
  • : Kabriid Publishing
  • : 01 December 2022
  • : books

Special Fields

  • : Cabdinaasir Sahal
  • : Paperback
  • : Somali