habeennadii caddada

Author(s): Abshir Umal

Sheekooyin

Dad badan ayaa is waydiinaya, waa kuma Destoevsky? Maxay tahay sirta ku duugan?Nin dhalinyaro ah oo Destoevsky la yidhaahdo ayaa kamid ahaa koox mufakariin ah oo xukun dil ah lagu oogay 23 Diiseembar sannadkii 1849. Rasaas nool in shafka lagala dhaco ayaa lagu xukumay oo ay geerida khasab ku dhadhamiyaan. Madaxa ayuu kor u taagay Destoevsky isaga oo tiirka toogashada taagan oo sugaya ilbidhiqsiyada ay rasaastu ku hoobanayso. Wedka ayaa qumaati u eegay isaga oo indhaha ku gubaya, dabadeed in yar ka hor inta aan xukunka la fulin ayaa ay soo gaadhaysaa fariin dilka laga cafinayo oo laga soo diray guriga Qaysarka ee looga taliyo dalka. Dilkiina waxa laguu beddelay in ay barafka ku jebiyaan jeelka hawlaha culus ee Seerbiya. Uurka dhibta, kadeedka iyo reja beelka ayaa ay ka soo baxday cabqarinimo mar la arag ah oo uu leeyahay qoraa markiisii hore ahaa nin feejigan oo caqli badan. Natiijaduna waxa ay noqotay hibo aan horay loo arag oo la maqal oo taariikhda aan iyada oo kale lagu xusin.Sidaas daraadeed Destoevsky markan waxa uu go'aansaday in uu ina dhex geeyo habeen roomaansi ah oo riyo lagu xasilay, si aynu ula cawayno jileegaana oo isaga laftiisu aan doonayn in dareenka laabtiisa ku aasan qirto oo uu gacallisadiisa u sheego, isaga oo ka cabsanaya in uu saaxiibtinimadeeda waayo ama uu iyadaba waayo. Balse iyadu xaalad welwel iyo walbahaar leh ayay dhex hawaartaa, isaga waa ay ka duwantahay oo dareenkeeda si feejigan oo dhiiran ayay uga sheekaynasaa, iyada oo haddana tabayso ruuxii ay sugaysay oo isla xilligaa magaalada dhex wareegaya. Waa habeen macaan oo dareenku sida ila xareed ah burqanayo. Sidii lagu yaqaannay ayuu Desto u soo dhinaardhiranayaa sheekada isaga oo ku shubayo gunaanad xeeldheer oo isaga uun looga bartay.

8.00 USD

Stock: 5

Add to Cart


Add to Wishlist


Product Information

General Fields

  • : 9781648263705
  • : Primedia eLaunch LLC
  • : Hachette Digital
  • : 16 November 2021
  • : books

Special Fields

  • : Abshir Umal
  • : Electronic book text